Soomaaliya iyo Talyaaniga oo xoojinaya iskaashiga dhinaca dekedaha iyo saadka

 






Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyey in ay xoojiyaan

 Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyey in ay xoojiyaan iskaashiga dhinacyada maamulka dekedaha, adeegyada saadka iyo tababarka xirfadeed, kaddib kulan dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi, iyo wafdi uu hoggaaminayey, kuwaas oo la kulmay maareeyaha guud ee Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed.


Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray 

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo Dekedda Trieste ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan is-weydaarsiga khibradaha farsamo, horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada saadka.Safiirka Talyaaniga ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Dekedda Trieste, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay isku xirka ganacsiga badda ee u dhexeeya Aasiya iyo Yurub, isaga oo sii maraya Bariga Dhexe iyo Afrika.


Dhankiisa, maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, ayaa soo dhaweeyey dadaallada iskaashi, isaga oo muujiyey rajada ah in labada dhinac ay heshiiska ku xoojiyaan saxiixa is-afgarad rasmi ah oo dhex mara hay’adaha iyo maamulka dekedaha.Iskaashigan ayaa qayb ka ah mashruuca FORLIS, oo diiradda saaraya tababarka iyo horumarinta xirfadaha la xiriira maamulka dekedaha iyo gaadiidka isku dhafan.


Waxaa sidoo kale la shaaciyey in afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah 

Waxaa sidoo kale la shaaciyey in afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah loo xulay inay dalka Talyaaniga ka qaybgalaan barnaamij tababar farsamo oo heer sare ah, kaas oo socon doona muddo laba sano ah, laguna baranayo maamulka dekedaha iyo adeegyada saadka, iyaga oo wax ku baran doona Akadeemiyadda ITS Adriatic Nautical Academy ee magaalada Trieste.



Post a Comment

0 Comments