Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in dalalka Carabtu
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in dalalka Carabtu xoojiyaan is-weydaarsiga khibradaha warbaahineed ee la xiriira ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo marin-habaabinta ay adeegsadaan kooxaha argagixisada, iyadoo warbaahinta loo arko aalad muhiim u ah wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nabadda.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa arrintan ku soo qaaday khudbad uu ka jeediyay Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo Soomaaliya ay kula wareegtay shir-guddoonka golaha. Wasiirka ayaa sheegay in waayo-aragnimada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisadu muujinayso baahida loo qabo farriimo warbaahineed oo xirfadeysan, kuwaas oo bulshada u iftiimiya hababka kooxaha hubeysan u adeegsadaan marin-habaabinta iyo qorista xubnaha cusub.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu soo bandhigto codadka culimada, dhibanayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen falalka kooxaha hubeysan, iyadoo laga fogaanayo faafinta farriimaha iyo dacaayadaha ay kooxahaasi u adeegsadaan xoojinta saameyntooda.Cabdifataax Qaasim ayaa sidoo kale ku baaqay in dhallinyarada la siiyo fursado ka-qaybgal iyo rajo, si loo xoojiyo kalsoonida bulshada loona yareeyo fursadaha ay kooxaha xagjirka ahi uga faa'iideysan karaan duruufaha nololeed iyo kuwa bulsho.

0 Comments