Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka
Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, habka loo maamulay dakhliga dowladda iyo kharashaadka hay’adaha kala duwan, xilli ay dib-u-eegis ku sameynayaan xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee sannadkii 2025.Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubnaha guddiyada maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xisaabiyaha Guud ee dowladda iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, ayaa diiradda lagu saaray warbixinta fulinta miisaaniyadda iyo arrimaha la xiriira dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Xildhibaannada iyo senator-rada ayaa si gaar ah
Xildhibaannada iyo senator-rada ayaa si gaar ah wax uga weydiiyey dakhliga dowladda ee la ururiyey balse aan ku jirin miisaaniyadda la ansixiyey, kharashaad dheeraad ah oo ay sameeyeen hay’adaha dowladda iyo dakhliga ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekedda Muqdisho.Sidoo kale, guddiyadu waxay wasiirka wax ka weydiiyeen habka loo maamulay deeqaha dibadda iyo arrimo kale oo la xiriira dhaqaalaha dowladda intii lagu jiray sannadkii 2025. Wasiirka iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa ka jawaabay su’aalihii ay xubnaha guddiyadu soo bandhigeen.
Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoominayey
Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoominayey Senator Cabdi Axmed Dhuuxulow Dhegdheer oo ah guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare iyo Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo hoggaamiya Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.Dib-u-eegista xisaab-xirka miisaaniyadda 2025 ayaa timid kaddib markii guddiyadu ay qiimeeyeen warbixinta xisaabaadka dowladda iyo warbixinta hanti-dhowrka ee uu diyaariyey Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Guddiyadu waxay sheegeen in baaritaanka ay wadaan uu waafaqsan yahay qodobka 45-aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Soomaaliya, Lr. 2019, kaas oo dhigaya awoodda Baarlamaanka ee kormeerka maareynta dhaqaalaha dowladda iyo xisaabaadkeeda.Dib-u-eegistan ayaa qeyb ka ah waajibaadka kormeer ee Baarlamaanka, kaas oo u oggolaanaya inuu la socdo sida loo ururiyey, loo qoondeeyey, loona isticmaalay hantida dadweynaha muddadii miisaaniyadeed ee sannadkii hore.

0 Comments