Wadahadallo lagu qaboojinayo xiisadda Baydhabo oo billowday

 





Wafdi uu hoggaaminayay Goddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Wafdi uu hoggaaminayay Goddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xilli magaalada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo amni, iyadoo dhinacyada isku haya ay isku diyaarinayaan tallaabooyin  cusub.Wafdiga ayaa Magaalada Baydhabo u tegay dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda iyo in la siyaasiyiin iyo dhinacyo kala duwan.


Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheikh Aadan Maxamed Nour

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheikh Aadan Maxamed Nour (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed, dowlad-dhiska, Wada-tashiga siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.


Kulanka u dhexeeyay Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga Maxamed Mursal ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda wada-hadalka iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-qaddarin iyo heshiis siyaasadeed.Labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda dalka iyo tan Koonfur Galbeed, iyadoo xoogga the saaray abuurista jawi horseedi kara xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo dowlad-dhis loo dhan yahay. Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa kusoo laalaabtay magaalada Baydhabo.


Sheikh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay

Sheikh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay wafdiga Maxamed Mursal booqashadooda Baydhabo iyo ka qeybgalka dadaallada dib-u-heshiisiinta. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay doorka ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha bulshada ka qaadanayaan dejinta xiisadda iyo xoojinta wada-tashiga.Booqashada wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda Baydhabo, iyadoo indhaha lagu hayo gogosha dib-u-heshiisiinta ee la filayo inay magaalada ka furanto iyo inay horseedi karto wadahadal u dhexeeya dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadee 


Post a Comment

0 Comments