War ka cusub xaaladda Beledweyne oo maanta…

 







Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Maamul-goboleedka HirShabelle, iyadoo xaaladda guud ay tahay mid deggan Shacabka Beledweyne ayaa saaka safaf dhaadheer u galay inay codadkooda dhibtaan, si ay usoo doortaan xildhibaannada ku matalaya dowladda cusub ee HirShabelle, iyadoo meesha ay ka baxday cabsidii laga qabay inay rabshado ka dhacaan magaaladaas, maadaamo ay ku sugan yihiin dhinacyo mucaarad ah.


Doorashada ka dhacday Beledweyne

Doorashada ka dhacday Beledweyne waxaa sidoo kale ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo musharraxa Madaxweyne ku xageenka HirShabelle ee ay wadato Villa Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax oo shalay ka degay magaaladaasi Afrax oo codkiisa dhiibtay ayaa ka hadlay doorashadan, wuxuuna boggaadiyay, sida ay uga qayb-galeen reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in taariikh cusub ay dhigeen, ayna ku ciil baxeen codkooda.


Waa soo codeeyay waxaan kasoo codeeyay saldhig galbeed 

Waa soo codeeyay waxaan kasoo codeeyay saldhig galbeed meesha aan joogno waa xaafadda Kooshin oo ah meeshii aan ku dhashay runtii waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha isku soo baxay ee codadkooda dhiibtay, waxaan kaloo u mahadcelinayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo Maayarka Beledweyne,” ayuu yiri musharrax Cabdifitaax Xasan Afrax Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Waa taariikh sameysmeysa waxaana rajeyneynaa in ummadda Soomaaliyeed sida ay u dhaqaaqay inay ahaato, safafka waa dheer yihiin sida ay noogu bilaabatay oo nabadda ah Ilaahey ha innoogu soo gabagabeeyo doorashada”.


Tallaabadan ayaa ka dhigan in ugu  dambeyn ay Villa Soomaaliya ku adkaatay loollankii ka socday magaalada Beledweyne, halkaas oo maalmahan ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadeen siyaasiyiin kasoo horjeeda qorshaha madaxtooyada ee ku aadan HirShabelleArrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan si weyn isha loogu wada hayo doorashooyinka ka bilowday HirShabelle iyo Galmudug oo saaka looga wada dareeray magaalooyinka waa wayn ee labadaas maamul.


Post a Comment

0 Comments