Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u qoondeysay
Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u qoondeysay $16 milyan oo qayb ka ah $160 milyan oo loogu talagalay 12 dal oo wajahaya xaalado bani'aadannimo oo aan helin maalgelin ku filan.Lacagta ayaa lagu dhawaa qay 2-da October 2026, waxaana Soomaaliya ka midhay siddeed dal oo Afrikaan ah oo ka faa'iideysanaya maalgelintan.
Dhaqaalaha waxaa loogu talagalay in lagu taageero
Dhaqaalaha waxaa loogu talagalay in lagu taageero hawlgallada degdegga ah ee lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani'aadannimo.Maalgelinta waxay ka imaanaysaa Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF), oo ah hannaan ay Qaramada Midoobay u adeegsato in si degdeg ah loogu helo dhaqaale hawlgallada gargaarka naf-badbaadinta ah.
Laga tago, balse uu sheegay in maalgelintu kaligeed aysan ku filnayn wax ka qabashada baahiyaha jira.Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka lacagta ugu badan loo qoondeeyay, iyadoo ay la mid tahay Sudan oo iyadana heshay $16 milyan. Kaalmo kale ayaa loo qoondeeyay Koonfurta Suudaan $15 milyan, Burkina Faso $10 milyan, Mali $10 milyan, Niger $10 milyan, Chad $9 milyan iyo Cameroon $6 milyan.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in guud ahaan
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in guud ahaan lagta $160 milyan lagu taageerayo 12 x aaladood oo bani'aadannimo, kuwaas oo siddeed ka mid ah ay ka jiraan Afrika. Afarta xaaladood ee kale ayaa ah Yemen oo heshay $18 milyan, Afghanistan $18 milyan, Dhulka Falastiin ee la haysto $18 milyan iyo Cuba oo heshay $4 milyan.Waxaa sidoo kale lacagta ku jira $10 milyan oo loogu talagalay wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee dadka qaba naafonimada, iyadoo la doonayo in gargaarka bani'aadannimo laga dhigo mid si fudud ay u heli karaan dadka naafada ah.

0 Comments