Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya

 







Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta

 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ajendaha kulanka uu xoogga saarayo mustaqbalka howlgalka iyo taageerada loo baahan yahay. Kulanka ayaa lagu qiimeyn doonaa xaaladda dhaqaale iyo saadka ee howlgalka, gaar ahaan taageerada Qaramada Midoobay ay siiso ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.


Warbixinno ayaa la filayaa inay kulanka ka jeediyaan 

Warbixinno ayaa la filayaa inay kulanka ka jeediyaan kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martin Kimani iyo wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene.Sidoo kale, waxaa la dhageysan doonaa warbixinta guddiga cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee Al-Shabaab.


Doodda ayaa kusoo beegmaysa xilli UNSOS ay wajahaysay caqabado dhaqaale oo saameeyay howlaheeda, iyadoo warbixin uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soo saaray 28-kii October lagu sheegay in xafiisku 25 boqolkiiba dhimay kharashaadkii miisaaniyaddiisa 2025/2026, oo markii hore ahaa 520.6 milyan oo doollar. Miisaaniyadda 2026/2027 ayaa loo ansixiyay 481.4 milyan oo doollar. Saamaynta dhaqaale-yarida ayaa si gaar ah uga muuqatay sahayda ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo muddo ku dhow saddex bilood ah, intii u dhexeysay May iyo July, la hakiyay gaarsiinta shidaalka iyo raashinka ciidamada ka barbar dagaallama howlgalka AUSSOM.


Sahayda ayaa dib loo bilaabay kaddib markii Britain 

Sahayda ayaa dib loo bilaabay kaddib markii Britain ay bishii August bixisay hal milyan oo gini oo ku dhow 1.4 milyan oo doollar, hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhibaatooyinka dhaqaale ee joogtada ah ay khatar ku yihiin sii socoshada taageeradaas.Mustaqbalka AUSSOM ayaa sidoo kale horey uga dooday dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, kuwaas oo shir aan caadi ahayn oo ay bishii July ku yeesheen Kampala ku baaqay bixitaan qorsheysan oo marxalado kala duwan ah.


Waxay sidoo kale dalbadeen in taageerada caalamiga ah la sii wado 18 ilaa 24 bilood si ciidamada Soomaaliya loogu diyaariyo inay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.Mareykanka ayaa markii hore ka soo horjeeday muddadaas, isagoo sheegay inuu joojinayo taageerada UNSOS marka uu dhammaado muddada hadda loo idmaday AUSSOM oo ku eg 31-ka December 2026, balse Washington ayaa aqbashay in UNSOS la siiyo 12 bilood oo uu si tartiib ah ugu soo afjaro howlihiisa.


Hase yeeshee, sida uu qoray Security Council Report, Mareykanka ayaa 15-kii November beddelay mowqifkiisa, isagoo taageeray in hal sano loo kordhiyo waajibaadka AUSSOM iyo UNSOS. Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankaas, inkastoo Washington ay weli ku adkeysanayso in taageerada aysan noqon mid aan xad lahayn.Si kastaba, kulanka Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan muranka ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.


Post a Comment

0 Comments