Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee maamulka Jubaland, sida lagu shaaciyey wareegto madaxweyne oo maanta oo Sabti ah kasoo baxday magaalada Kismaayo.
Magacaabistan ayaa buuxinaysa xil muddo bannaan ahaa
Magacaabistan ayaa buuxinaysa xil muddo bannaan ahaa, kaddib geeridii ku timid madaxweyne ku-xigeenkii labaad, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, bishii Juun 2025, sida ku cad Wareegtada magacaabista ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu go'aankan ku gaaray awoodaha dastuuriga ah ee uu leeyahay, gaar ahaan cutubka afraad, qodobka 67-aad, faqraddiisa shanaad ee Dastuurka Jubaland, kaas oo madaxweynaha siinaya awoodda magacaabista xubnaha sare ee fulinta maamulka.
Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle ayaa sidaas
Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle ayaa sidaas ku noqonaya mid ka mid ah mas'uuliyiinta ugu sarreeya hay'adaha fulinta ee Jubaland. Hase yeeshee, war-saxaafadeedka madaxtooyada laguma faahfaahin xilalkii uu hore u soo qabtay iyo waajibaadkii uu kasoo gutay maamulka.
Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ayaa bannaanaa tan iyo markii uu geeriyooday Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, oo xilkaas hayay ka hor geeridiisa bishii Juun ee sannadkii 2025.Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Jubaland uu sii wado dhismaha iyo hawlgelinta hay'adihiisa dowladeed, iyadoo uu weli wajahayo caqabado la xiriira siyaasadda, amniga iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka waxaana Magacaabista cusub la filayaa inay qayb ka noqoto dhammaystirka hoggaanka sare ee maamulka.

0 Comments