Dowladda Turkiga ayaa sarkaal cusub oo ka tirsan
Dowladda Turkiga ayaa sarkaal cusub oo ka tirsan ciidankeeda badda u magacawday inuu noqdo u-qaybsanaha milatariga ee qaabilsan arrimaha ciidamada badda, kana howlgeli doona safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.Sarkaalka cusub oo lagu magacaabo Gaashaanle Dhexe Faatix Maxamed Önal, kana tirsan ciidamada badda Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u bilaabo shaqadiisa cusub.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in Magacaabistan ay qayb ka tahay iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidamada badda Soomaaliya, tababarka askartooda iyo kobcinta awooddooda cidan.
Safaaraddu waxay sidoo kale xaqiijisay
Safaaraddu waxay sidoo kale xaqiijisay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso horumarinta ciidamada badda Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa barnaamijyo tababar, dib-u-habayn iyo taageero lagu xoojinayo awooddooda hawlgal iyo mid hay'adeed.Tallaabooyinkan ayaa muujinaya sida Turkigu u xoojinayo iskaashigiisa milatari ee Soomaaliya, kaas oo hadda si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta iyo tayeynta ciidamada badda iyo cirka Soomaaliya.

0 Comments