Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay ku ballaarinayso suuqyada ay u dhoofiso xoolaha nool, iyadoo Ciraaq loo arko suuq cusub oo fursado dhaqaale u abuuri kara ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed Arrintan ayaa looga hadlay kulan magaalada Baqdaad ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Ciraaq, Fu’aad Xuseen, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhinacyada beeraha.
Soomaaliya ayaa kulanka ku muujisay danaynta
Soomaaliya ayaa kulanka ku muujisay danaynta ay u qabto in xoolaha nool loo dhoofiyo Ciraaq, hase yeeshee labada dhinac weli ma shaacin xilliga uu ganacsigaasi bilaaban karo ama heshiisyada farsamo ee loo baahan yahay si loo hirgeliyo Xoolaha nool ayaa laf-dhabar u ah dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana nolol-maalmeedkoodu ku tiirsan yahay malaayiin qof, gaar ahaan bulshada xoolo-dhaqatada ah. Dhoofinta xooluhu waxay sidoo kale dalka u tahay il muhiim ah oo dakhli ka soo gala suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.
Suuqyada Bariga Dhexe ayaa ka mid ah
Suuqyada Bariga Dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliyeed, iyadoo baahidu kor u kacdo xilliyada ciidaha waaweyn ee Islaamka. Helitaanka suuqyo cusub sida Ciraaq ayaa ganacsatada u abuuri kara fursado dheeraad ah, inkasta oo dhoofintu u baahan tahay buuxinta shuruudaha caafimaadka xoolaha, karantiilka iyo xeerarka soo dejinta Kulanka wasiirrada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq, si loo xoojiyo isku-duwidda labada dowladood loona horumariyo iskaashiga labada dal.
Wadahadalladan ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad, xilli ay socotay kalfadhigii 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Labada wasiir ayaa muujiyay rabitaanka ah in xiriirka labada dal laga gudbiyo iskaashi diblomaasiyadeed oo keliya, loona ballaariyo dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Ciraaq martigelinta shirka, iyadoo dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

0 Comments