Madaxweynaha Soomaaliya, doonayn inay farageliso.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Skynews ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dhinac ka ahayn khilaafaadka u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara, isla markaana aysan jirin wax khilaaf ah oo ay doonayso inay ku lug yeelato.Xiriir wanaagsan ayaan the leenahay Itoobiya, sidoo kale xiriir wanaagsan ayaan the leenahay Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheikh.
Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda
Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay xoojinta isfahamka, iskaashiga iyo nabadda, isaga oo xusay in hal-ku-dhegga dalku yahay Soomaaliya nafteeda la heshiisay, dunidana la heshiisay.
Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka diplomaasiyadeed
Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka diplomaasiyadeed ee Muqdisho ee ku aaddan xiriirka dalalka gobolka, gaar ahaan dadaalka ay ku doonayso inay xiriir wanaagsan the yeelato dalalka deriska ah, iyadoo ka fogaanaysa inay qayb ka noqoto khilaafaadka Laba geesoodka ah.

0 Comments