Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha ayaa sheegtay
Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha ayaa sheegtay in dib-u-soo-kabashada burcad-badeedda Soomaaliya ay la xiriirto firaaqooyin amni iyo khilaafaadyo siyaasadeed oo gudaha dalka ah, kuwaas oo kooxaha ku lugta leh afduubka maraakiibta siinaya fursad ay dib ugu bilaabaan howlahooda Kooxdu waxay ku baaqday in la xoojiyo amniga maraakiibta ganacsiga, la kordhiyo roondooyinka badda, isla markaana kor loo qaado kharashka iyo halista ay burcad-badeeddu kala kulmayaan fulinta weerarrada Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeyaha sare ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika ee Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha, ayaa sheegay in burcad-badeednimadu tahay hawl inta badan ku dhisan ka faa'iidaysiga fursadaha, Wuxuu sheegay in kooxihii hore ugu lug lahaa burcad-badeednimada ay sugayeen fursad ku habboon oo ay dib ugu soo laabtaan, isagoo tilmaamay in xaaladda amni ee ka jirta waqooyiga Soomaaliya ay sababtay in qaar ka mid ah roondooyinkii badda loo weeciyo meelaha kale.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo maraakiib ganacsi qaarkood
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo maraakiib ganacsi qaarkood ay beddeleen waddooyinkoodii, una weecdeen dhanka koonfureed, taas oo sida uu sheegay falanqeeyuhu abuuri karta fursado ay kooxaha burcad-badeeddu uga faa'iidaystaan meelaha bannaan ee amn Dib-u-soo-noqoshada burcad-badeedda ayaa walaac ka dhalisay amniga maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.Sida lagu sheegay warbixinta, burcad-badeeddu waxay tan iyo bishii Abriil afduubteen lix markab oo ganacsi, taas oo noqotay mowjaddii ugu xoogganayd ee burcad-badeednimo ee Soomaaliya soo wajahda sannadihii u dambeeyay.
Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha waxay ka digtay in xaaladda hadda jirta ay khatar ku tahay isu-socodka maraakiibta caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku xeeran Geeska Afrika ay durba wajahaan cadaadisyo amni.Si kastaba, Cumar Maxamuud wuxuu sheegay in aan la buunbuunin karin heerka khatarta hadda jirta marka loo barbar dhigo xilligii ugu sarreeyay ee burcad-badeednimada Soomaaliya qiyaastii 15 sano ka hor.
Wuxuu tilmaamay in soo noqoshada weerarro cusub
Wuxuu tilmaamay in soo noqoshada weerarro cusub aysan si toos ah uga dhignayn in burcad-badeednimadu ku laabatay heerarkii ugu sarreeyay ee ay gaartay xilligeedii hore, Falanqeeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka dhanka ah burcad-badeednimadu u baahan yahay iskaashi dheeraad ah oo dhex mara dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.Hase yeeshee, wuxuu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira awood-qaybsiga iyo qeybsiga kheyraadka ay hadda caqabad ku yihiin isku-duwidda dhinacyada, Sida uu sheegay, haddii dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu ay si dhow u wada shaqeeyaan, waxaa suuragal ah in la wiiqo shabakadaha ku lugta leh burcad-badeednimada, lana xoojiyo awoodda hay'adaha maxalliga ah ee wax looga qabanayo dhibaatada.
Dhinaca kale, Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha waxay ku talisay in mustaqbalka fog wax laga qabto sababaha dhaqaale iyo bulsho ee ka dambeeya burcad-badeednimada, Cumar Maxamuud wuxuu sheegay in cabashooyinka ka dhasha kalluumeysiga sharci-darrada ah ama xad-dhaafka ah ee maraakiib shisheeye ay kooxaha burcad-badeeddu u adeegsadaan sidii ay taageero uga heli lahaayeen bulshada xeebaha.Wuxuu ka digay in haddii cabashooyinka la xiriira nolol-maalmeedka dadka xeebaha ku nool ay sii socdaan, iyadoo bulshada ay dareemeyso in dowladda aysan si ku filan wax uga qaban, ay kooxaha burcad-badeeddu heli karaan fursad ay ku kasbadaan aqbalaad ama taageero gudaha ah

0 Comments