Dowladda Soomaaliya iyo Isbahaysiga Ciidamada
Dowladda Soomaaliya iyo Isbahaysiga Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada ee Dalalka Islaamka (IMCTC) ayaa Muqdisho ku daahfuray qorshe cusub oo lagu xoojinayo doorka warbaahinta ee dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo fikirka xagjirka ah.Barnaamijka oo loo bixiyay “Wariyayaasha Nabadda” ayaa lagu qorsheeyay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha saxafiyiinta, si ay kaalin uga qaataan wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha xagjirka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa munaasabadda ka sheegay in dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxaha argagixisada uu socday in ka badan labaatan sano, isla markaana dowladda ay hadda xoogga saarayso istaraatiijiyad dhinacyo badan taabanaysa.Fiqi ayaa tilmaamay in dagaalka aan lagu koobi karin howlgalada milatari, balse loo baahan yahay in la wajaho dhinacyada fikirka, dhaqaalaha, amniga iyo warbaahinta. Wuxuu sheegay in warbaahintu door muhiim ah ku leedahay wacyigelinta shacabka iyo fashilinta dacaayadaha kooxaha xagjirka ah.
Hindi saha cusub ayaa sidoo kale lagu doonayaa
Hindi saha cusub ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu tababaro wariyeyaasha iyo dadka saameynta ku leh baraha bulshada, si ay u soo gudbiyaan xog sax ah, u xoojiyaan farriimaha nabadda, isla markaana bulshada uga digaan marin-habaabinta lagu beegsanayo gaar ahaan dhallinyarada.Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay taageerada IMCTC iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay in mashaariicdan ay qayb ka noqon karaan dadaallada lagu dhisayo awoodda hay'adaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada.

0 Comments