Maxay ku kala doorataa kaneecadu dadka ay qaniineyso?

 






Waxa uu jirkeyga kaneecada u soo jiitaa sida birlabka

Waxa uu jirkeyga kaneecada u soo jiitaa sida birlabka. Meel kasta oo aan adduunka ka aado marka aan fasaxa ku jiro, waxaa xaqiiqo ah in kaneeco in qaniinto Qaniinyada kaneecadu waxay maqaarkayga ku reebtaa finan waaweyn oo cuncun badan, kuwaas oo toddobaadyo ka sii muuqda maqaarka Sida ay aniga kaneecada ii qaniinto si la mid ah uma qaniinto saaxiibadey ila deggan guriga. Marar dhif ah ayey qaniintaa. Hadii ay taas dhacdana jirkooda dhaqso ayey uga baaba'daa Saaxiibbaday waxay inta badan igula kaftamaan in dhiiggaygu "aad u cusb yahay", taasna ay keento qaniinyada kaneecada, ayey tiri qoraalka warbixintan Like Catherine.


Jirkeennu wuxuu sii daayaa calaamado kala duwan oo dabiici ah

Jirkeennu wuxuu sii daayaa calaamado kala duwan oo dabiici ah, sida neefta iyo urka ka soo baxa. Calaamadahan ayaa go'aamiya qofka ay kaneecadu aadeyso. Dadka qaarkood, calaamadahani aad bay u xooggan yihiin, taas oo keenta in kaneecadu si dabiici ah u jeclaato Kaneecada dheddigga ah oo kaliya ayaa qaniinta dadka. Dhiigeena waxay ka heshaa borotiinka ay ukumaheeda ku koraan, sidaas ayeyna u jeceshahay Ilaa 10 mitir ayey kaneecada ka soo ogaan karta qofka ay qaniineyso. Waxay leeyihiin dareemo iyo arag ay ku ogaadaan.


Neefta aan hawada ku sii deyno iyo maqaarkeena ayaa qeyb ka qaata in kaneecada na ogaato Kaarboon laba ogsaydhka ku jira neefteena ayaa kaneecada u sheega in aan joogno meel dhow. Marka ay calaamaddan hesho, waxay billowdaa in ay raadiso qofkaas, una dhaqaaqdo dhiniciisa Kaneecada waxay carruurta ka jeceshahay dadka waa weyn oo inta badan ay aado. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay neeftooda oo aad uga badan tan ciyaalka Kaneecada ma aado oo kaliya dadka ee si doo kale aadaa waxybaaha kale ee sii daaya kaarboon laba ogsaydhka. Dabinada loo dhigo ayaana sii daaya kaarboon soo jiita kaneecada.


Kaneecadu waxay sidoo kale jeceshahay kulaylka jirka

Cilmi-baaris ayaa muujisay in kulaylka iyo qoyaanka jirka qofka uu soo jiito kaneecada. Sababtaas awgeed, waxaa suuragal ah in haweenka uurka leh ay kaneeco qaniinto si ka badan haweenka kale Kaneecada waxay inta badan aadaa dadka jimicsiga sameeya ama hawlaha culus maadama uu kuleyl iyo uru sii deynayo jirkooda Sidoo kale, dadka miisaankoodu culus yahay ayaa guud ahaan kaneecada soo jiita. Sababta ayaa lagu sheegay in jirkoodu uu soo saaro kulayl badan, isla markaana uu sii daayo kaarboon badan.



Post a Comment

0 Comments