Goorta uu furmayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay xilli kursiga guddoonka banaan yahay

 






Labada Aqal is the baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey

Labada Aqal is the baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey on 1-day August 2026 the furi doono kalfadhiga 8-aad and the baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada aqal War-saxaafadeed kasoo Baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan ka hor taariikhda furitaanka, si loo dardar-geliyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla baarlamaanka.


Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli baarlamaanku horyaallo ajendayaal culus oo saameyn ku leh jihada siyaasadda dalka, kuwaas oo la filayo in si weyn looga doodo toddobaadyada ugu horreeya ee kalfadhiga. Ajendaha ugu weyn ee horyaalla baarlamaanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, kursigaas oo bannaanaaday kadib markii Sheekh Aadan Maxamed Nour (Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxing lagu wargalinayaa 

 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxing lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor muddada the go'aamiyay ee furitaanka Kalfadhigga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddoonka baarlamaanka.


Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa the filayaa inay noqoto

Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa the filayaa inay noqoto mid aad loogu tartamo, waxaana durba is soo sharaxay saddex xubnood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saadaad Maxamed Caliyow Loollanka doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama guddoomiyaha cusub uu door muhim ah ku yeelan doono Hoggaaminta Golaha Shacabka inta ka harsan muddo xileedka baarlamaanka 11-aad.


Dhanka kale, mucaaradka ayaa weli muujinaya inaanay ku qanacsanayn qaabka loo wajahayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, inkastoo ay jiraan dadaallo socda oo lagu doonayo in dhammaan xildhibaannadu si buuxda uga qayb qaataan Codbixinta Haddi xildhibaannada mucaaradku si mideysan uga qayb-galaan doorashada waxay saameyn weyn ku yeelan karaan natiijada, isla markaana ay suuragal tahay inay ka adkaadaan musharraxa ay taageerayso Villa Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments